.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, July 28, 2012

Dastuurka Jamhuuriyadda Diimuqaadiga ah Ee Somaliland Ee 97% Dadkiisu Ugu Codeeyay ''HAA''


ARAR

* Iyada oo uu ayidsan yahay go'aamaddi Shirkii Beelaha Somaliland ee Burco ee 27-kii April ilaa 5-tii May 1991-kii ee lagula soo noqday madax-bannaanida laga soo bilaabo 18 May, 1991kii;

Iyada oo uu ka shidaal qaadanayo Shirweynihii Guurtida Beelaha Somaliland ee Boorame ee 24-kii january ilaa 25-kii May 1993-kii ee lagu guddoonsaday Axdiga Qaranka, kaas oo;

- Waajibeyey in muddada kala guurka ah Ia diyaariyo, aftina loo qaado Dastuur Qaran oo beddela Axdiga Qaranka.

- Si cad u taabtay mabaadi’da Dastuurka iyo qaab-dhismeedka Dawladda lyada oo uu ku qanacsan yahay xaqa aan cidina ka duudsiyi karin ee uu u lee yahay aaya-katashigiisa.

Iyada oo uu waayo-arag u yahay cawaaqib xumada Dastuur aan ku salaysnayn caqiidada, dhaqanka /yo doonista ummadda ee lagu soo maamulayey muddo soddon sannadood ah;

Read more:
http://www.somalilandlaw.com/Distoorka_oo_Dhan.htm

No comments: