.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, July 26, 2012

Dawladaa I Duudsidee, Waligay Dalkayga Ma Hakran: Abwaan Haybe Faarax Nuur


Xidiga cirkee sare
Xarun taan ka siiyee (Xukumada)
Iyaduna I xoortaay!!!
Xumey dirirkii baaqdaay
Xansheerkaba iyadoon furin
Xariirteeda kala fidin
Xubxubaydin daahyada
Xalka nabada daydayin
Xakamayn waraabaha
Ayay tuute xidhatee!!!!!!!!!!!!
                                              (Abwaan Haybe Faarax Nuur)
 
- “Waxaan idiinka balanqaadayaa in ay ummadu siday igu doorteen,een horeba barnaamijka u cadeeyey u noqdo mid u siman shacbiga reer Soomaaliland,cadaalad ku dhaqa.....” (Khudbadii Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo July 27,2010). Horaantii sideetamaadkii ayaa sharcigii wadankii la odhan jiray Soomaaliya u shaqeeyey askariga qoriga haystaa siduu doono.Sidaa darteed ayaa sharciyada dadka lagu xidhi karo lagu darey xeerka qodobkiisu yahay “anigaa awood leh” ,tirsigiisuna yahay “ku qosle Kabtan kufay’… Xeerkan ayaa lagu qaadey dad ku qoslay mar uu nin sarkaal ahaa ku kufay magaalada Burco dhexdeeda. Dadkaasi ayaa xabsiga ku mutay jabinta xeerkaa,siiba tirsigiisa ah ku qosle kabtan kufay…
 
Dalka Soomaliland ee curdinka ayaa waxaa baryahan soo baxey in xeerkaa dib boodhka looga tumay,hase yeeshee dib u cusboonaysiin lagu sameeyey tirsiyadiisa kala duwan.Waxaana ilaa iminka la hawl galiyey tirsiga ah “Siilaanyuu dhaliilay”.

Gudoomiyaha ururka Xaqsoor ,Xasan Ciise Jaamac, oo aqoon dheeraad ah u leh hogaanka dawlada Soomaaliland ayaa isagoo ka waramaya kala duwanaanshaha dawladii Riyaale iyo Tan Siilaanyo yidhi:
“Dawladii Riyaale hadalada mucaaridka dhegba umay dhigi jirin,tana hadaad hadasho ama aad xageedaba eegto adigoo sandaaranaya budhku waa ku saaran yahay”.

Horaantii 1993 ayaa waxaa magaalada Gabiley lagu arki jiray gaadhi madoow oo suug ah oo si xarago leh u gaalaabixinaya dhinacyada magaalada, salaan iyo hadalo boqrin ah ayey la tiigsanayeen dadka gaadhigaasi hareer marayo.Waxaa la maqlayey dadka oo si farxad iyo raynrayn ka muuqato ugu dhawaaqaya “waa mujaahid Heybe Dheere”, “Waa geesigii Haybe Dheere”, ....Wuxuu ahaa geesi tilmaaman, bulshaduna u ogeyd.Hase yeeshee markii dalkii isku duba dhacey ee loo hawlgaley kala qaybsiga xilalka qaranka ayuu Abwaan Heybe Faarax Nuur ka mid noqday kooxda aan la tabin, xil qarana loo dhiibin.

Danbiga kaliya ee uu galay wuxuu ahaa dalka iyo dadkuu jeclaa ayuu u dagaalamey,xilna umuu dagaalamin.Qorigiisiina dawladuu gacanta ka galiyey, kuna qancey kol haddii uu qaybtiisii halganka ka qayb qaatey,Ilaahayna ku guuleeyey, inuu bulshada rayidka ka mid noqdo.Xil wuu u qalmaa, kuwase qaybinayey ayaan joogin jiida hore ee dagaaladii SNM-ta.

ILaahay wuxuu ugu deeqay inuu hibo u siiyey Heybe Faarax curinta maansada.Dastuurka dalka Soomalilandna wuxuu deeq u siiyey inuu rayigiisa ku aadan kolba dawlada dalka haysa siduu doono u cabiri karo.Dastuurka dalka waxaa ku jira qodobka 12-aad ee oo amraya Madaxbanaanida Xoriyatul Qawlka,iwm. Qodobkani wuu dhiiirgalinayaa inuu dhaliil jirta qofka dalka u dhashay uu soo jeedin karo,kana hadli karo,rayigiisana ka dhiiban karo.

Dadka reer Soomaliland ayaa rayigooga inta badan ku soo bandhiga warbaahinta dawlada iyo ta gaarka loo leeyahayba.Bishan Juulaay 17,2012 ayaa tababar hal maalin ah uga furmay 30 suxufi hudheelka Impiiriyal.Hormoodkii ka soo qaybgalay waxaa ka mid ahaa qalin iyo qori ku halgamaha Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale(Boobe) oo ah wasiirka warfaafinta .Waxaanu halkaa Boobe ka soo jeediyey weedho taageeraya xoriyatul Qawlka iyo in loo baahan yahay, inta la rabo in dalka iyo dadkuba horumar gaadho. Waxaanu yidhi Boobe:

““Xukuumadda haddii la tilmaami waayo, la toosin waayo, wax loo sheegi waayo, la baraarujin waayo oo fadhiga ka kac la odhan waayo, wax layaab leh maaha inay is dhigato, sidaasna uu ku hagaaso oo uu ku baaqdo horumarkii loo baahna”.

Tilmaamaha la arko marka dawladi fadhiidnimo u holaneyso waxaa ka mid ah in tuutuhu aad u shaqeeyo,xarunta CID-na maxaabiis la ciirciirto. Xaruntaa waxaa maxbuus ahaan loogu gudbiyey Abwaan Heybe Faarax Nuur lagana soo gudbiyey Xabsiga magaalada Gabiley. Markii la ogaadey inuu jiritaanka xeerka xoriyatul Qawlka ku khatalmeyna waxaa loo sii gudbiyey Xabsiga magaalada Hargeysa.

Markuu Abwaan Haybe Faarax Nuur si sharci daro ah u xidhnaa muddo dhan ilaa 112 maalmood,dadka reer Soomaliland-na aad uga hadleen gefkaasi, ayaa dawladu is tidhi xalaalee xadhigiisa ayna horkeeneen Maxkamada .Iyaba waa yaabeee halkee lagu arkey in neef xaaraan ahi dhalo nirig xalaal ah!!!!!!!!...Waxaanay Maxkamadu ku xukuntay abwaanka muddo dhan lix bilood oo xadhiga ah.

Maansooyin uu tiriyey ayaa abwaanka la waydiiyey inuu tiriyey,waxaanu qirtay inuu tiriyey maansooyinkaa.Taasaana uguna filan danbi lagu qaado,waxaanay maxkamadu tidhi:

“Maxbuusku wuu qirtay eedaha loo soo jeediyay”……..Waa abwaankii ugu horeeyey ee xadhig lala beegsado,halka ay seefta tuutaha gashan ee dawladu baryahanba saarneyd kooxda saxaafada gaarka loo leeyahay. Maansooyinka uu tiriyey Abwaan Heybe Faarax Nuur ka akhriso ardaaga looga waabey mareegta Farshaxan.

Xusuus: Bari ayey ku beegan tahay maalintii Axmed Maxamed Siilaanyo loo dhaariyey xilka madaxtinimada Soomaaliland, lagana filayey inuu cadaalada (ay hogaanka u hayaan tuutaha iyo maxkamaduhu) iyo musumaasuqa wax ka qabto...

Qalinkii iyo Tifatirkii :
(Bahda Mareegta http://www.farshaxan.org/)

No comments: