.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, July 30, 2012

Urur Siyaasadeedka UDHIS Ayaa Dacwad Ku Furay Gudida Doorashooyinka S/land *Dhegta maal*


- Urur ka mid ah 15-ka urur-siyaasadeed ee cusub ee laga aasaasay dalka jamhuuriyada diimuqraadiga ah ee Somaliland oo magaciisa la yidhaa UDHIS, kana mid ahaa ururadii 9-ka ahaa ee ku hadhay wareegii kala reebka ahaa ee lagu kala shaandheenayay ururada cusub, ayaa maanta dacwad ka dhan ah gudida diiwaan galinta iyo go'aankiiba u gudbiyay maxkamda.

Uuruka UDHIS ayaa ku dacwoonaya in go'aanka ay gudida diiwaan galintu ku reebtay ururkoodu uu ahaa mid aan waafaqsanayn sharciga dalka u yaal oo baal-marsan. Iyaga oo ku andacoonaya in marka horeba aanay gudida diiwaangalintu awood u lahayn inay ururada siyaasada kala reebaaan. Waxa kale oo ay sheegeen masuuliyiinta UDHIS oo ay ku doodeen in ay jirto awood kale oo qarsoon oo u yeedhinaysay gudida diiwaan galintu cida ay reebayso iyo cida ay sii daynayso. Dhanka kale, looyarka u dacwiyaya dawlada ayaa isagu aan faalo badan ka bixin aragtida dawlada. Waatan war-bixin ay arintan ka diyaarisay Somali-Voa.

*Dhegta maal*

No comments: