''cuqaasha gobolkana waxaanu uga digaynaa inaanay ku dhex milmin axsaabta iyo kaambaynka doorashada..''. Xildhibaan Sangal
- Xildhibaan Ibraahim Axmed Xasan ''Sangal'' oo ka mid ah mudanayaasha golaha deegaanka
degmada Gabiley, kana mid ah masuuliyiinta xisbiga UCID ayaa xukuumada
Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ku eedeeyay in faraglin ay ku hayso
taageerayaashooda, isla markaana uga digay in xukuumadu faraglintaasi ka joojiso
qabsoomida doorashada deegaanka.
Xildhibaan Ibraahin Sangal waxa kale oo uu uga digay
Madaxdhaqameedyada gobolka Gabiley inay siyaasada iyo axsaabta ay ku dhex
milmaan, uguna baaqay inay faraha kala naxaan murashaxiinta u taagan doorashada
golaha deegaanka degmada Gabiley. Xildhibaan Sangal waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu
shalay nagu soo booqday xarunta Haatuf, isla markaana ka waramay
arrimahaasi, ayaa ugu horayna waxa uu yidhi;
“Xaalada guud ee degmada Gabilay
hada way fiicantahay, kaaliinse waxaad moodaa in doorashada deegaanada ee la
galayaa ay tahay mid natiijadeeda la sii ogyahay, maxaa yeelay waxa hada ka jira
Gabiley saraakiil la tirsan xukuumada, xisbiga kulmiye iyo cuqaal isku bahaystay
sidii loo cadaadin lahaa xisbiga Ucid, waxaanu uga digaynaa xukuumada Siilaanyo
iyo xisbiga Kulmiye inaanay wax faro galin ah ku sanaynin doorashada si dalka ay
uga dhacdo doorasho xor oo xalaal ahi, waa doorashadii ugu horaysay ee xisbiga
Kulmiye qabsoomideeda lagu tijaabinayo, waxaanan uga digaynaa in faro galin ay
ku sameeyaan axsaabta mucaaridka, cuqaasha gobolkana waxaanu uga digaynaa
inaanay ku dhex milmin axsaabta iyo kaambaynka doorashada, caaqilka dhinac
taageeraana Musharixiinta kale caaqil u noqon maayo, balse waxaanu
ugu baaqaynaa cuqaashu inay dhaqanka iyo magta ku eekaadaan siyaasadana ay
faraha kala baxaan”.
Xildhibaan Sangal waxa uu intaa ku daray “waxa maalinkasta
Gabiley ka socda, maadaama aan xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka ahay waan
la socdaa, haddii awood xukuumadeed iyo muquunin lagu dayo wax iibsamaya maaha,
cidda faro galinta ku samaynaysa axsaabta mucaaridka waa xukuumada, wax qarsoona
maaha, waxa jirta in wasiiro ka tirsan xukuumadu ay maalin kasta socdaalo
dhuumasho ah ku yimadaan Gabiley oo shirar qarsoodiyana ay ku qabtaan,
arrimahaasina waa faragalinta ay xukuumadu ku samaynayso doorashada
Xigasho: Haatuf
No comments:
Post a Comment