.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, May 30, 2010

Fashilinta Warbixintii (Rikoodhkii) ”Sir Culus” ee Morgan Yaa ka danbeeyey? Maxaa se immika keenay?

- SIR-CULUS.
Sweden: Waa laga yaabaa inaad isweydiiso waxa kallifay in fashilinti war-bixintii Morgan hadda aan uga sheekeeyo, ugana gaabsaday inaansoo bandhigo muddo hore oo ay aad uga xiiso badnaan lahayd! Runtii waxaan jeclaaa inay sidaas ku qarsoonaato oo ka mid noqoto guul ka mid ah guulihii faraha badnaa ee dadka Reer Somaliland soo hooyen ee ann la kala sheegan.

Mar haddiise rag looga qaateen ahi i soo gaadhsiiyeen in siyaasi ka mid ah halgankii kuwii ugu waaweynaa uu guushaas u nisbeeyay nin kale oo aan irbad dun u gelin, waxay anna ila noqotay inaan abaalgud taariikheed u magacdhawo duqeydii ka qayb qaadatay hawlgalkaas annigoo uga mahadnaqaya xilkasnimadii ay ka muujiyeen ilaalinta sirta shicibka Somaliland.

Tuesday, May 25, 2010

Subject: Somaliland ha bedesho qaabka ay uga jawaabayso daandaansiga Maamulada magaca u yaalka ah ee Somali-italyaano.

Hadii aanan seeganayn inta ay jirtay Somaliland oo ah 18 gu, waxa soo maray soomaalida uu Talyaanigu gumaysan jiray ( Somali-italyaano ) ee aynu kala baxnay, in ka badan 7 qof oo midba si uu ku yimidba sheegta inuu yahay madaxweyne, kuwaaso dhamaantood ka sinaa laba shay oo kala ah,-

1- Inay intaanay anqaranba marka kursiga loo magacaabo ku hadaaqaan eray aad moodo inay Bisinka Ilaahayba ka horaysiiyaan oo ah in midnimada Soomaaliya Muqadas tahay !.

2- In Soomaali meel u fayoobi aanay jirin oo dhibtu ay wada gaadhay !.

Labada weedhood oo ah laba si badheedh ah loogu weeraryo dadka reer Somaliland. Hadaba waxa is waydiin leh talaabadee ayaa ay ka qaadaa ee ay kaga jawaabtaa Dawlada Somaliland oo ah ta masuulka ka ah ilaalinta karaamada dalka iyo dadka ay xilka u sido, daandaansigaa iyo gardarada had iyo jeer kaga soo burqanaysa dhanka Soomaali-italyaano?.

Taariikhdii Dahabiga Ahayd ee Halgankii Jabhadii Magaceeda La Odhan Jiray '' Afraad ''.


''Maxaad ka taqaanaa jabhadii Afraad iyo cidii, sidii, halkii iyo goortii la aasaasay?''

Codsiyo aad u badan oo i soo gaadhay dartood ayaan mar labaad taariikhdan kooban ee Jabhadii Afraad, oo waxoogaa madmadaw ahi meelaha qaarkood dadka ka galay, u soo qoray si aan u iftiimiyo meelahaasi, xogo yar oo ka dhinaa maqaalkii hore iyo ilduufyo ku jirayna waan sugay, aniga oo soo waraystay wax garadkii iyo dadkii aadka ugu dhuun daloolay Afraad iyo arimaheeda, siiba laba nin oo kaalmo aad u qaali ah ku lahaa dhisamaha iyo taabo-galinta Jabhadii Afraad, labadaasi nin oo hawshoodu ahayd soo ururinta wiilasha dhalinyarada ah, taba-barkooda, hogaamintooda i.w.m. Labadan nin oo la kala yidhaa magacyadooda, Maxamed Aadan Cigaal (wadaad-yare) iyo Cali Cabdi Xasan (Cali-kayd).

Taariikhdii SNM oo kooban. Waxa Soo diyaariye Professor Ibrahim Maygaag Samatar

Document

- Ummad waliba waxay leedahay taariikh soo jireen ah oo had iyo jeer haga mustaqbalka bulshada kana duwa gefaf badan oo dhici lahaa. Hadaba in loo hagar baxaa qorista iyo diiwaan gelinta hawshani waa xil qaran .Bahda mareegta farshaxan waxay si sharaf leh uga codsatey Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka SNM, ahna aqoonyahan ku xeel dheer dhaqaalaha,siyaasada ,iwm , mudane Ibraahim Maygaag Samater inuu la wadaago soojireenkii halgankii dib ula soo noqoshada gobanimadii deeqda loo bixiyey ee wadanka Somaliland .Ka dib markii Bahda mareegta farshaxan la yeelatay xidhiidh telefoon ,wuxuu si hagar la’aaneed Mudane Ibraahim ugu soo diray qoraalkan taariikhgalka ah isagoo kaga waramaya halgankaa . Waxaanu mudane Ibraahin (Ilaahay ha ka abaal mariyee) ku bilaabay qoraalkiisa sidan:

Maxaad ka taqaanaa Qodaal Humour?


Dadku wax kuma wada Qoslo, wax kuma wada ooyo, dareenkoodana wax isku mid ahi ma wada kiciyo, inkasta oo ay jiraan waxyaalo badan oo laga siman yahay hadana siyaalaaha/qaababka kala duwan ee loo kala nool yahay ayaa saamaayn wayn ku yeesha kala duwanaanta dareenka dadka. Bal ila dhuux oo ila dhadhanso waxyaalaha u gaarka ah ee ay aadka ugu Qoslaan dadka Qodaalka ah ee reer Somaliland.

Bal dhadhanso! Suugaantan mucda leh,-

A- Gabadh hayaan ah oo soo degtay soona ceel fadhisatay Riiga/ Ceelka ku yaal magaalada Geed-balaadh, xili abaari Gayiga kale ee Somaliland badankiisa ragaadisay, hayeeshee uu dhulka qodaalka ahi aad u wanaagsanaa oo biyo iyo baadba buuxeen, dadka iyo duunyada ku dhaqanina aad u qurux badnaayeen. Ayaa ay gabadhu la ashqaraartay  quruxda wiilasha Barbaarka iyo Doobabka ah ee Qodaalada jooga iyo weliba xoolahooda gashiga iyo aawanidaba leh siiba, Awrta qodaalka ku dhaqan ee Kuruska la kici wayday Jiilaal cadaadiga. iyada oo hadaba gabadhu tirtirsiyaysa oo hoosna wax labadaba (wiilasha iyo awrta) ugu sheegaysa oo leh, magaciin ba' ye  meesha ka kaca oo quruxdiinan wax ku qabsada, ayaa waxay Gole lagu ciyaarayay oo ay ka booday ka tidhi, erayada dhaxal galka ah,-

UDUB-eey Jiilaalba Awr Baa Dhaamiye KULMIYE Iyo UCID- Baa Kalkan Leh



Waxa dhaqan u ah oo ay  dadka reer Somaliland ku maahmaahaan, marka ay dhib iyo dheef-wadaaga is xasuusinayaan ee ay isku dardaarayaan inaanay cid kali ah uuni waxtarka iyo hawshu u gaar ahayn ee hadba dhan ama gacan quminteeda laga sugayo, maahmaahda tidhaahda ” Jiilaalba awr baa dhaamiye” , oo loo jeedo marba ama xiliba waa ku nine (qof-e) adna kaayahaagii waad gashay si uu ahaaba, ama waad sugaysaa ee ka soo bax xilka ku saaran. Soof maqaleedkaa gaaban dabadeed hadaan hadaba isha iyo halka aan binaystay een u socdo yara tafaqsado waxan leeyahay, ,UDUB-eey wax badan baad qabatay ood qotimsay, wax badan-na waad qabyaysay ood qumin kari wayday !.
 
- UDUB waxa u qabsoomay.-

Taneey(bbc-radio) Cawke-na kaa caroow !!!


Sept 30 2007 - Ka tagida Axmed Xasan Cawke ka wareegay BBC-du waxay i soo xasuusisay, hadal-murtiyeed uu reebay nin gabayaa wayn ah oo aad loo wada yaqaan oo magaciisa la yidhaa Aw-Siyaad, oo u dhashay degaanka Gabiiley sida igu maqal ahna hadalka murtida ahi waxa uu ku soo baxay maqaaxi uu beri hore ku lahaan jiray magaalada Kala-baydh (deg, Gabiley).

Waxa la yidhi abaar ba'an ayaa arlada ku habsatay, markaasaa dadkii dhulka deganaa wada hayaameen oo uu qofba meel uu naftiisa iyo nafta duunyadiisa ku badbaadi is lahaa u guury, dabadeed Aw Siyaad ayaa maqaaxidii cidiba ugu iman wayday oo ay busaarad adagi ku heshay. Wax uu rajo ku noolaadaba oo uu cirka eego oo uu roob ka saadaaliyoba, waxba samadii way is badali wayday. Dabadeed aw Siyaad waxa uu yiqiinsaday in xaalku halis yahay dabadeedna go'aan adag ayuu markaa qaatay oo ah, inuu isna meesha iskaga huleelo.

Calanka Somaliland oo ka dul babanaya Iskuul yar oo ku yaal Holland !!!!! Yaab



Salaama Calaykum.

26-ka juun darteed.Waa sheeko dhab ah oo dhacday oo dhaygag i galisay bal adna dhuux!.

Waxan ka mid ahaa waalid lagu casuumay xaflad sanadeedkii lagu xidhayay dugsi ay dhigtaan caruur yar yar oo dadoodu u dhaxayso, 4 - 12 gu', oo kala wada isir ah, kana kala timid dalal tiradoodu ay gaadhayaan 47 dal oo qaaradaha aduunka ku kala yaal, meeshu waa Holland magaalo ku taal, waa goor galab ah oo ay cadceedu isku malmal-ganbiday inay godkay ku hoyan jirtay gasho, waa diirimaad wanaagsan oon dhaxani jirin dhulku, cirku caad ma leh aan ka ahayn fadfad tabaaqil ah oo ku gadfan dacalada fog ee samada, dusha sarena waxa sidii xadhko isku murgay is dhaafdhaafay qiiq waayay dabayl kala horta oo kala firdhisa oo ay reebeen diyaradaha qiiqlayda la yidhaahdaa.

Monday, May 24, 2010

Saado Cali Warsame: Saca Faarso diidaa......


"Bal hala yara kala aragti duwanaado dee ilayn dadku waa Xor-e!" Cali

- Saado Cali Warsame waa gabadh, gabadh iyo Siyaasadina xiligan aan ku jiro ee kala xayashada iyo wada xajiinta ah isma gayaan oo inay kala warwareegaan ayaa haboon! Hadiiba ayse dhacdo in gabadhu ( Saado iyo gabadh kasta) wax tabato oo dareenku ku dirqiyo inay xifaaltanto, in ragu u xaytaan xaasha' e ma' aha.

- Intaas ka dib aan u noqdo heesaha dhawaanahan ay qaadaysay Fanaanada Saado Cali Warsame, ee ay qaarba si u dhacayeene, maxaa qalooc ah een qumanayn hadii gabadhu magaaladeeda u heesto oo ay tidhaa, waan ku ilaashanaynaa oo kuu noolanahay? ma waxad diiday libdhi maysid Laascaanood, mise Laba maaha dalkeenu oo midnimadii aad eeday ayaad ka urinaysaa? Mise Saca Faarso diiday................ sanduluu u soo noqon, ayaa kuula muuqatay hanajabaad iyo Kibir!