- Hogaamiyihii shirkii fashilka ku dhamaaday ee Taleex Mr. Cali Khaliif Galaydh oo ka firdhaday dagaal 26-kii bishan Magaalada Buuhoodle ku dhexmaray Ciidamada Qaranka Somaliland iyo Maleeshiyo beeleed halkaas joogtay, isla markaana u baxday Magaalada Wardheer ee dawadda deegaanka Ethiopia ayaa la sheegay in shalay lagu soo dhaweeyey xarunta dawlad deegaanka Ethiopia ee Jigjiga. Ilo Wareedo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Magaaladda Jigjiga ayaa Haatuf u sheegay in Ciidamada Liyuu Booliska ee Kililka Shanaad ee Ethiopia ay ka soo kaxeeyeen Cali Khaliif Galaydh Magaalada Wardheer uu u fakaday markii Ciidan isaga taabacsan oo ku sugnaa Magaaladda Buuhoodle ay Ciidamada Qaranka Somaliland huwiyeen Dhirbaaxo kulul 26-kii bishan.
Ilo wareedyada sheegay in Cali Khaliif uu ku sugan yahay Magaalada Jigjiga ayaa tibaaxay inuu maanta la kulmi doono Madaxwaynaha Maamulka Kililka Shanaad ee Ethiopia, kuwaas oo la filayo inay ka wada hadlaan arimo ku saabsan shirkii Fashilmay ee Taleex uu ugu qabtay Cali Khaliif xubno ka mid ah qurbo jooga beesha Dhulbahante, kaas oo aakhirkii lagu kala kacay.