Nairobi: Deeqdii reer Somaliland ururiyeen ee loo qaaday dadka Soomaalida ah ee ku tabaaloobay kuna barakacay abaaraha ba' an ee ku habsaday Soomaaliya, ee u qaxay dalka Kiiniya gaar ahaan xerada qaxootiga ee magaceed la yidhaa ''IFO-2'', oo maanta loo qaybiyay Gargaarkii dadka Somaliland u direen. Waa qaybtii labaad ee mucaawanadii reer Somaliland dhawaan u gudbiyeen dadka reer Soomaaliya. Iyada oo qaybtii hore ee macaawanadaasi Xamar la geeyay. Laba wafdi oo kala duwan ayaa kala qaaday deeqahaasi balaadhan oo gaadhaysa in ka badan $ 700.000 (todoba boqol oo kun oo doolar). Isla deeqdaasi ayaa waxa ka hadlay Sheekh Shariif, isaga oo sheegay inaanay Soomaalidu kala maarmayn ee ay midnimadu ma huraan tahay!
* Dhegta maal*
Xigasho: Somalivoa